Muqdisho, (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Siihayaha Safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan Mudane Cammaar Axmed Baabakir oo uga warbixiyey xaaladda dalkaas, howlgallada ciidan iyo saameynta xiriirka Labada dal.
Danjire Baabakir ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen muwaadiniinta reer Suudaan ee kusoo qaxay dagaallada ka socda dalkaas, isagoo tilmaamay in Soomaalidu, shacab iyo dowladba ay walaalnimo iyo farxad ku qaabileen walaalahooda reer Suudaan ee soo gaaray dalka.
Sidoo kale, sii hayaha Danjiraha ayaa u soo gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh salaan iyo farriin uu uga siday walaalkiis, Hoggaaniyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Al-Burhaan.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan dhiggooda Suudaan, kuwaas oo si mug leh uga qayb qaatay taageeridda Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan fursadaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed iyo tababarida hayโadaha amniga.
Ugu dambeyntii, Madaxweynanaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Suudaan, maadaama degganaanshihiisa uu muhiim u yahay gobolka oo idil.