Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Gobolka Minesoto ee Dalka Mareykanka uga ย qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo ay soo qabanqaabiyeen ururada bulshada ee jaaliyadda Soomaalida.
Madaxweynaha ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan horumarada socda iyo halka ay marayaan gulufka loogu jiro la dagaalanka kooxaha argagixisada ee ku sugan gudaha dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka u ballan qaaday in gobolka Minnesota laga furayo Qunsuliyad bixin doonta adeegga bulshada.
Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay xildhibaan Ilhaan umar iyo xubno matalayey ururada bulshada,waxayna kula dardaarmeen madaxweynaha in uu ka dhabeeyo halku-dhaga ah Soomaali oo heshiis ah ,dunidana heshiis la ah.