Nairobi (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.