Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa
    May 12, 2026
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalinta Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalinta Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalinta Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya

By SB
Last updated: October 31, 2025
3 Min Read
Share

Carta(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay ka qaateen nabadaynta iyo dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan oo dib u milicsanaya xasuustiisa shirkii nabadda ee Carta ayaa tilmaamay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti aysan ku ekaan oo keliya hindisihii iyo martigelinta shirkii Carta ee ay garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed oo ay u hureen dhiigooda, gaar ahaan Ciidamada geesiyaasha ah ee Hiil Walaal.

“Nasiib wanaag, si fiican ayaan u xusuustaa maadaama aan ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay shirkii Carta, sida walaalkey Madaxweyne Ismaaciil uu u muujiyey adkaysi iyo dulqaad markasta oo ay xaaladdu adkaato, isaga oo ay u dheereyd in uu dunida u sheego in Soomaaliya ay dib u heshay dowladnimadeedii, Erayadaas oo noqday kuwa can baxay oo abuuray rajo cusub iyo guusha aan maanta heysanno.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dalkeenna uu dagaal adag kula jiro Daacish iyo Al-shabaab oo ah labo urur oo argagixiso Caalami ah, isaga oo sheegay in dowladda iyo shacabka Sooaamliyeed ay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro Khawaarijta, taas oo ay barbar socoto horumarinta dowlad dhiska, dajinta iyo hirgelinta hannaan dimuquraadiyadeed, hay’ado dowladeed oo sal adag leh iyo xoojinta iskaashiga Gobolka Geeska afrika.

“Magaalada Carta waa xarunta aasaaska, dhisidda iyo dhaqangelinta Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sameeysay horumar weyn muddadii ay jirtay, waxayna ku jirtaa halgan adag oo ay ku xaqiijinayso ballantii la qaaday ee ahayd in dastuurka kumeel-gaar ka ah laga baxo oo dadka soomaaliyeed la gaarsiiyo doorasho Qof iyo Cod ah, dadaalladaas oo ah kuwa marxalado kala duwan soo maray.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maamuusaya halyeeyadii soomaaliyeed ee dadaalka geliyey in ay Soomaaliya dib u hesho dowladnimadeeda ayaa adkeeyey ahmiyadda ay leedahay siyaasad degan oo wadar oggol ah, si loo gaaro hay’ado dowliya oo dhisan, awood buuxdana u leh in ay si joogta ah u gutaan waajibaadka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo dhoweeyey madaxda iyo martida ka soo qayb gashay xuska ayaa sheegay in dalkiisu uu mar walba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Jabuuti ay mar walba dooneyso in ay sii waddo kaalinta ay ku leedahay nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii maanta noqotay mid ku kulmisay nolol…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safiirka JFS ee Masar oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay wasiirka arrimaha dibadda Masar

Muqdisho.(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa…

GudahaWararka
June 5, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Wadadda Via Liberia

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax-dhigay Laamiga Via Liberia ee isku xira Isgoyska…

GudahaWararka
July 15, 2023

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Masar

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Abdel Fattah El- Sisi ayaa kulan miradhal…

GudahaWararka
January 21, 2024

Duqa Muqdisho oo Casho sharaf sagootin ah u sameeyay Isimo Soomaaliyeed+Sawirro

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kulan casha sharaf sagootin…

Wararka
February 12, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023