Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalinta Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalinta Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalinta Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya

By SB
Last updated: October 31, 2025
3 Min Read
Share

Carta(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay ka qaateen nabadaynta iyo dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan oo dib u milicsanaya xasuustiisa shirkii nabadda ee Carta ayaa tilmaamay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti aysan ku ekaan oo keliya hindisihii iyo martigelinta shirkii Carta ee ay garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed oo ay u hureen dhiigooda, gaar ahaan Ciidamada geesiyaasha ah ee Hiil Walaal.

โ€œNasiib wanaag, si fiican ayaan u xusuustaa maadaama aan ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay shirkii Carta, sida walaalkey Madaxweyne Ismaaciil uu u muujiyey adkaysi iyo dulqaad markasta oo ay xaaladdu adkaato, isaga oo ay u dheereyd in uu dunida u sheego in Soomaaliya ay dib u heshay dowladnimadeedii, Erayadaas oo noqday kuwa can baxay oo abuuray rajo cusub iyo guusha aan maanta heysanno.โ€

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dalkeenna uu dagaal adag kula jiro Daacish iyo Al-shabaab oo ah labo urur oo argagixiso Caalami ah, isaga oo sheegay in dowladda iyo shacabka Sooaamliyeed ay ka goโ€™an tahay in dalka laga ciribtiro Khawaarijta, taas oo ay barbar socoto horumarinta dowlad dhiska, dajinta iyo hirgelinta hannaan dimuquraadiyadeed, hayโ€™ado dowladeed oo sal adag leh iyo xoojinta iskaashiga Gobolka Geeska afrika.

โ€œMagaalada Carta waa xarunta aasaaska, dhisidda iyo dhaqangelinta Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sameeysay horumar weyn muddadii ay jirtay, waxayna ku jirtaa halgan adag oo ay ku xaqiijinayso ballantii la qaaday ee ahayd in dastuurka kumeel-gaar ka ah laga baxo oo dadka soomaaliyeed la gaarsiiyo doorasho Qof iyo Cod ah, dadaalladaas oo ah kuwa marxalado kala duwan soo maray.โ€

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maamuusaya halyeeyadii soomaaliyeed ee dadaalka geliyey in ay Soomaaliya dib u hesho dowladnimadeeda ayaa adkeeyey ahmiyadda ay leedahay siyaasad degan oo wadar oggol ah, si loo gaaro hayโ€™ado dowliya oo dhisan, awood buuxdana u leh in ay si joogta ah u gutaan waajibaadka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo dhoweeyey madaxda iyo martida ka soo qayb gashay xuska ayaa sheegay in dalkiisu uu mar walba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Jabuuti ay mar walba dooneyso in ay sii waddo kaalinta ay ku leedahay nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa: โ€œNidaam garsoor oo la isku hallayn karo waxa uu dalkeenna u abuurayaa maalgashi iyo mustaqbal wanaagsanโ€

Muqdisho(SONNA):- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda dalka, oo…

GudahaWararka
November 22, 2025

Duqa muqdisho iyo Wasiirka deegaanka oo ka wada hadlay ilaalinta iyo maareynta deegaanka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay…

GudahaWararka
October 6, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la yeeshay duubabka dhaqanka Gobolka Bakool

Xudur-(SONNA)-Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta…

GudahaSiyaasaddaWararka
December 13, 2022

Waa kuma Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki)(WARBIXIN)

Heyโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa…

GudahaMaqaallada
October 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023