Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha dowladda FS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, isagoo dul istaagay arrimaha dalka ka taagan oo ay ka mid yihiin la dagaalanka Khawaarijta, hirgelinta nidaamka canshuuraha iyo cabashada ay qabaan qaar ka mid ah dhallinyarada Bajaajlayaashu.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdu ay dhagaysatay cabashada ganacsatada iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka cabanaya canshuuraha iyo lacago ay sheegeen in lagu siyaadiyey.
“Cabashada bajaajlayaasha wax badan oo ka mid ah waa la xaliyey, raali kama nihin wax iyaga dhibaya, dowladda FS iyo anoo madaxwynaha ahba ogolaan mayno” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay xaq u leeyihiin cabasho muujinta, balse loo baahanyahay inay maraan hanaan nabdoon, si aan loogu soo dhex dhuuman.