Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan” Kullamo kale oo wadatashi ayaa la qaban doonaa”,
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan” Kullamo kale oo wadatashi ayaa la qaban doonaa”,
GudahaMaqaalladaWararka

Madaxweyne Xasan” Kullamo kale oo wadatashi ayaa la qaban doonaa”,

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 15, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbadii jimcaha kaga hadlay kulankii wadatashiga ahaa ee madaxdii hore uu la qaatay ayaa sheegay in la qaban doono kulamo kale oo wadatshi ah oo ay ka qeyb-geli doonaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la dhageysto tallada iyo aragtida Shacabka iyo mas’uuliyiintii hore iyo kuwa hadda hadda xukunka haya, taas oo horseedeysa in la gaaro go’aan mideysan oo ku saleysan horumarka iyo geeddi socodka nabadda.

” Odayaashaas siyaasiyiin hore oo Dalka soo xukuntay haddii ay tahay heer Dowlad dhexe iyo heer Dowlad gobolleed, kuwo kale oo hami leh in ay hadda dalka xukumaan raba ku jiray, waa isku nimiday labo maalmood oo dood aniga aragtideyda oo aad iyo aad u fiican ayay ahayd, ra’yi fiican, Araah fiican qurux badan qaarkood kuwii annaga aan qabnay ka qurux badan yihiin ayay walaalaheen soo jeediyeen, tixgelin ayay leeyihiin, shirkaas iyo shirar kale oo dambe ayaa la isku imaan doonaa,”.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha dastuurka, wuxuuna balan qaaday in bilaha soo socda gudahooda lagu dhammeystirayo qabyo-qoraalka Dastuurka. Sidoo kale, madaxweynaha wuxuu mamnuucay in Dastuurka bannaanka lala aado oo halkaas looga soo tashado sida hore u dhacday,islamarkaana lagu bixiyo lacago fara badan.

” Dastuurka bilo gudahooda inshallahu waa dhammeystireynaa, dadka Soomaaliyeed in ay u codeeyaan (referdum) in loo qaado waa howl kale,tallaabo kale in la qaado waa,laakiin Buug la leeyahay, Buuggan waa dastuurkii oo dhammeystiran waa inuu naga yimaadaa, waxaan mamnuucnay in Dastuurka bannaanka looga soo tashado, Neefaasho iyo Stanbul lala aado, mamnuuc ma dhaceyso,Soomaali ayaa iska leh dalkan Soomaali gudihiisa ayaa looga taahanaa,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiinta ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo la kulmay wiil dhalinyaro ah oo sameeyay ganacsi guulaystay.

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdiraxiim Warsame…

GudahaWararka
January 2, 2023

Xubno ka mid ah guddiga Qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda oo loo soo xiray tababar

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Diiwaangelinta iyo Tababaradda Mudane Axmed Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Guud ayaa manta shaqaalaha Guddiga u soo xiray tababar…

GudahaWararka
March 8, 2023

Madaxda Galmudug oo sheegay in deegaanka Camaara  laga hirgalinaayo adeegyada aasaasiga ah

Wasiirka Amniga ee dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Camaara laga hirgelin doono adeegyada…

Gudaha
August 6, 2021

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Muqdisho(SONNA);-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa…

GudahaWararka
December 15, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023