Muqdisho(SONNA):-Madaxweyne QoorQoor oo ka qayb galay saxiixa qandaraaska dhismaha waddada Dhuusamareeb ilaa Qiridhi.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa ka qayb galay saxiixa qandaraaska dhismaha waddada Dhuusamareeb ilaa Qiridhi, oo dhererkeedu yahay 60 km.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo xiray shirka guddiga sare ee mashruuca horumarinta waddooyinka Soomaaliya, kaas oo saddexdii biloodba mar la qabto, ayna soo agaasinto Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulanka ay marti-gelisay Wasaaradda Howlaha Guud ee Galmudug.