Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye Qoorqoorย oo maanta la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in si xooggan uu u socdo dagaalka looga horjeedo kooxaha khawaarijta ee ku sugan goobaha fara kutiriska ah ee deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha galmudug ayaa caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay dhowaan arki doonaan Guulo waaweyn oo laga gaaro dagaalka khawaarijta.
โfurimaha dagaalka ayaan ku sugan nahay ,waanna joogi doonaan ilaa la ciribtiro khawaarijtaโ ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa shacabka La wadaagay in laga hortagay weerar fulaynimo ah oo kooxdaasi ay fuliyeen,isagoo intaa raaciyay in aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray isaga iyo xubnihii kale.
Dhanka kale,Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in billad geesinimo ay mudan yihiin Axmed Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xasan oo maanta naftooda u huray badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaanno federal ah iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacameey oo ka tirsan Galmudug.
Billaddaan ayaa ah abaalmarinada heerka ugu sarreeya ee geesinimada,waxaana Dawladda Galmudug ay si buuxda u kafaala qaaddeyย qoyska iyo ubbadkii ay ka tageen naftood hurayaashaasi.
Maamulka Galmudug ayaa waalidka dhalay marxuumiintaasi uga mahad celiyay waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.
Falka ay geesiyaashaasi ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri qpraal ka soo baxay Dowladda Galmudug.