Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo Wareysi ka bixiyay arrimaha Gobolka iyo xaaladaha ka taagan qaar ka mid ah Waddamada Carbeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo Wareysi ka bixiyay arrimaha Gobolka iyo xaaladaha ka taagan qaar ka mid ah Waddamada Carbeed
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo Wareysi ka bixiyay arrimaha Gobolka iyo xaaladaha ka taagan qaar ka mid ah Waddamada Carbeed

By Khadar Mahdi
Last updated: September 29, 2024
5 Min Read
Share

Doha, (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Aljazeera, si qoto dheer uga hadlay arrimo dhowr ah oo heer qaran iyo heer gobol ah, isagoo sidoo kale taabtay mowduucyo la xiriira xaaladaha ka taagan wadamada Carbeed, gaar ahaan arrinta Falastiin.

Madaxweynaha oo ka hadlay xiisadaha ka jira gobolka, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay ka taliso dhul Soomaaliyeed, iyadoo saldhig ciidan ka samaysanaysa Gacanka Cadmeed, wuxuuna xaqiijiyay in DFS aanay ogolaan doonin qorshayaashaas.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay jebisay dhammaan shuruucdii iyo heshiisyadii la gaaray mas’uulna ka tahay xasillooni darrada ka jirta gobolka.

Dalkeennu waa dal madax bannaan, Waxaana diyaar u nahay inaan qaadanno tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah haddii ay Itoobiya isku daydo inay qabsato qayb ka mid ah dhulkeenna.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaalada ka taagan Badda Cas ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda halkaas, oo saameyn taban ku leh horumarka, nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Isagoo ka hadlaya taageerada milateri ee Masar ay siiso Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in “Qaahira ay na taageerto, oo ay tababarto ciidamadeena amniga, waxayna na siisaa agabka ay ciidamadaasi u baahan yihiin, iyadoo la raacayo heshiiskii difaaca ee Masar lala galay,” Wuxuuna xaqiijiyay in aanay jirin askar Masaari ah oo xilligan ku sugan Soomaaliya.

Waxaan ka codsanay dalal kala duwan inay gacan ka geystaan ​​dagaalka aan kula jirno argagixisada, Masarna waxay ka mid ahayd dalalkii ka soo jawaabay baaqeena oo nagu taageeray agabka iyo qalabka aan u baahnnahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayaa yiri: “Dagaalkan wuxuu u baahan yahay iskaashi dhinacyada milateriga, fikriga iyo dhaqaalaha ah” isagoo xaqiijiyay in dowladda ay guulo waaweyn ka gaartay dhinacyadaas.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay rajeyneyso in Turkiga uu ku guuleysto dadaallada lagu doonayo in xal siyaasadeed loogu helo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuuna madaxweynaha ku dhawaajiyay in xalka kaliya ee u furan Soomaaliya iyo Itoobiya ay tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa is dhaxgal dhaqaale; taas oo barwaaqo u horseedi karta shacabka labada dal.

Dhinaca xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, Madaxweynaha JFS wuxuu sheegay in heshiisyo badan oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed ay la galeen dowladda Mareykanka, Wuxuuna yiri: “Mareykanku waa Saaxibka dibadeed ee ugu weyn Soomaaliya” balse sidoo kale ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Shiinaha iyo Ruushka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkiga uu mar walba garab taagnaa Soomaaliya, gaar ahaan wakhtiyada baahidu jirtay, isaga oo carabka ku adkeeyay in uu kala dhaxeeyo Soomaaliya “wada shaqayn fiican si aan danteena ugu adeegno.”

Isagoo ka hadlaya xaaladda Suudaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay raadineyso in la xaqiijiyo xasilloonida Suudaan iyo in la ilaaliyo madax-bannaanideeda iyadoo loo marayo wadahadal, wuxuuna muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladda ka taagan, isagoo ballanqaaday in Soomaaliya ay bixin doonto taageero nooc kasta ah si loo xalliyo xiisadda taagan.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya aysan la safaneyn dhinac ka mid ah dhinacyada Suudaan, balse ay doonayaan in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda. Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Suudaan, Al-Burhaan, iyo Hemedti inay joojiyaan dagaalka, ayna ka jawaabaan baaqyada loogu talagalay in Suudaan laga badbaadiyo dhibaatada ay ku jirto.

Madaxweynaha ayaa intii lagu guda jiray wareysiga si qoto dheer uga hadlay xiisadda Falastiin, isagoo sheegay in xalka labada dal uu yahay habka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo in Falastiiniyiinta ay helaan dal madax bannaan.

Aad ayaan uga xunahay waxa Gaza ka socda. Israa’iil waxay samaynaysaa waxyaabo mudan in la cambaareeyo. Beesha caalamka waa inay cadaadis dheeraad ah saaraan Israa’iil si ay u joojiyaan dhiigga daadanaya oo ay u soo fariistaan miiska wadahadalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Jubbaland oo guddoomiyay kulan looga hadlayay dagaalka khawaarijta looga xoreynayo deegaanada Jubbaland

Kismaayo-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey Kulan golaha wasiirada maamulkaas ay kaga hadleen howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo…

GudahaWararka
July 9, 2023

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay ku xigeenka danjiraha Suudaan u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka…

GudahaWararka
March 12, 2023

Ku dhowaad 4,000 Arday oo u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacadda Ummadda

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Ardaydii ugu badneyd ay sanadkan u fariisatay Imtixaanka ku biirista Jaamacadda…

GudahaWararka
October 1, 2024

Hantidhowraha Guud oo ka qeyb galay Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur goboleedka (EAC}

Muqdisho(SONNA):-Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaele, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay kulanka heerka sare…

GudahaWararka
October 21, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023