Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo Wareysi ka bixiyay arrimaha Gobolka iyo xaaladaha ka taagan qaar ka mid ah Waddamada Carbeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo Wareysi ka bixiyay arrimaha Gobolka iyo xaaladaha ka taagan qaar ka mid ah Waddamada Carbeed
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo Wareysi ka bixiyay arrimaha Gobolka iyo xaaladaha ka taagan qaar ka mid ah Waddamada Carbeed

By Khadar Mahdi
Last updated: September 29, 2024
5 Min Read
Share

Doha, (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Aljazeera, si qoto dheer uga hadlay arrimo dhowr ah oo heer qaran iyo heer gobol ah, isagoo sidoo kale taabtay mowduucyo la xiriira xaaladaha ka taagan wadamada Carbeed, gaar ahaan arrinta Falastiin.

Madaxweynaha oo ka hadlay xiisadaha ka jira gobolka, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay ka taliso dhul Soomaaliyeed, iyadoo saldhig ciidan ka samaysanaysa Gacanka Cadmeed, wuxuuna xaqiijiyay in DFS aanay ogolaan doonin qorshayaashaas.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay jebisay dhammaan shuruucdii iyo heshiisyadii la gaaray masโ€™uulna ka tahay xasillooni darrada ka jirta gobolka.

Dalkeennu waa dal madax bannaan, Waxaana diyaar u nahay inaan qaadanno tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah haddii ay Itoobiya isku daydo inay qabsato qayb ka mid ah dhulkeenna.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaalada ka taagan Badda Cas ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda halkaas, oo saameyn taban ku leh horumarka, nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Isagoo ka hadlaya taageerada milateri ee Masar ay siiso Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in โ€œQaahira ay na taageerto, oo ay tababarto ciidamadeena amniga, waxayna na siisaa agabka ay ciidamadaasi u baahan yihiin, iyadoo la raacayo heshiiskii difaaca ee Masar lala galay,โ€ Wuxuuna xaqiijiyay in aanay jirin askar Masaari ah oo xilligan ku sugan Soomaaliya.

Waxaan ka codsanay dalal kala duwan inay gacan ka geystaan โ€‹โ€‹dagaalka aan kula jirno argagixisada, Masarna waxay ka mid ahayd dalalkii ka soo jawaabay baaqeena oo nagu taageeray agabka iyo qalabka aan u baahnnahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayaa yiri: โ€œDagaalkan wuxuu u baahan yahay iskaashi dhinacyada milateriga, fikriga iyo dhaqaalaha ahโ€ isagoo xaqiijiyay in dowladda ay guulo waaweyn ka gaartay dhinacyadaas.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay rajeyneyso in Turkiga uu ku guuleysto dadaallada lagu doonayo in xal siyaasadeed loogu helo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuuna madaxweynaha ku dhawaajiyay in xalka kaliya ee u furan Soomaaliya iyo Itoobiya ay tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa is dhaxgal dhaqaale; taas oo barwaaqo u horseedi karta shacabka labada dal.

Dhinaca xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, Madaxweynaha JFS wuxuu sheegay in heshiisyo badan oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed ay la galeen dowladda Mareykanka, Wuxuuna yiri: “Mareykanku waa Saaxibka dibadeed ee ugu weyn Soomaaliyaโ€ balse sidoo kale ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Shiinaha iyo Ruushka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkiga uu mar walba garab taagnaa Soomaaliya, gaar ahaan wakhtiyada baahidu jirtay, isaga oo carabka ku adkeeyay in uu kala dhaxeeyo Soomaaliya “wada shaqayn fiican si aan danteena ugu adeegno.โ€

Isagoo ka hadlaya xaaladda Suudaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay raadineyso in la xaqiijiyo xasilloonida Suudaan iyo in la ilaaliyo madax-bannaanideeda iyadoo loo marayo wadahadal, wuxuuna muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladda ka taagan, isagoo ballanqaaday in Soomaaliya ay bixin doonto taageero nooc kasta ah si loo xalliyo xiisadda taagan.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya aysan la safaneyn dhinac ka mid ah dhinacyada Suudaan, balse ay doonayaan in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda. Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Suudaan, Al-Burhaan, iyo Hemedti inay joojiyaan dagaalka, ayna ka jawaabaan baaqyada loogu talagalay in Suudaan laga badbaadiyo dhibaatada ay ku jirto.

Madaxweynaha ayaa intii lagu guda jiray wareysiga si qoto dheer uga hadlay xiisadda Falastiin, isagoo sheegay in xalka labada dal uu yahay habka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo in Falastiiniyiinta ay helaan dal madax bannaan.

Aad ayaan uga xunahay waxa Gaza ka socda. Israa’iil waxay samaynaysaa waxyaabo mudan in la cambaareeyo. Beesha caalamka waa inay cadaadis dheeraad ah saaraan Israa’iil si ay u joojiyaan dhiigga daadanaya oo ay u soo fariistaan miiska wadahadalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Degmada Xaradheere

Taliyaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow iyo Wafdi saraakiil ah oo Hogaaminayay ayaa gaaray Degmada qadiimiga ah…

Gudaha
March 22, 2024

Mashruuc Hormarineyd oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Howlaha Guud ayaa laga hirgeliyayย Garoowe

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo u hoggaansameysa siyaasadda horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka…

GudahaWararka
June 16, 2025

Khawaarijta oo qaarijiyey horjooge sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsanaa(Warbixin)

Hiiraan(SONNA):-Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku qaarijiyey horjooge sare iyo…

GudahaWararka
January 10, 2023

R/Wasaaraha XFS oo sheegay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka

Muqdisho:-SONNA-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta shacabka kula tukaday salaaddii Jimcada Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee…

GudahaWararka
March 3, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023