Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
    Duqa Muqdisho oo xarig jaray wadada Sheekh Cali Suufi
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay saraakiishii fulisay hawlgalkii wadada Muqdisho-Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir-sanadeedka Garsoorka+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir-sanadeedka Garsoorka+sawirro
Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir-sanadeedka Garsoorka+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 13, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha Dowladda, gaar ahaan garsoorka in ay ilaaliyaan cadaaladda, dadaal muuqdana ay geliyaan sixidda kiis-dacwadeed kasta oo ay xaqooda ugu soo celinayaan muwaadiniinta la duudsiyey.

“Markii labo qof oo isdacweeyey uu garsooruhu eedda dusha ka saaro kii dulmanaha ahaa ee dhibbanaa, taas macnaheedu waa garsoorahaasi in aanu nabadda iyo xasilloonida ka shaqeyn.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in laga garaabo, lana toosiyo gabood-falladii horseeday in dad Soomaaliyeed ay maanta tirsadaan cadaaladd daro, waxa uuna soo jeediyey in wadajir la isu cafiyo, si dhidibbada loogu taago hannaan ku dhisan caddaalad loo dhanyahay.

“Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan”

Munaasabaddu inta ay socotay, waxaa Madaxweynaha loo soo bandhigay nuxurka aragti wadaagga khuburada garsoorka Soomaaliyeed -heer Federaal iyo heer dowlad goboleed- oo ku saleysan tayeynta hannaanka cadaaladda dalka, caqabadaha ku xeeran, qorsheyaasha hirgalay iyo kuwa hortabinta u leh mustaqbalka dhow iyo kan dheerba.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo qaabilay wafdi ka socda dalka Masar

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka…

GudahaWararka
February 4, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madax ka socotay madasha mutadawiciinta

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Madasha Mutadawiciinta Soomaaliyeed (Somalia…

GudahaWararka
August 27, 2023

XOG:Soomaaliya oo ka mid noqon karta 10-ka Dal ee ugu keydka Shidaalka badan Adduunka

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si…

DhaqankaGudahaMaqaallada
November 20, 2024

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo Afgooye ku tababaraaya howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tababar uga furay Degmada Afgooye howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha, inta uu tababarka…

GudahaWararka
August 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023