Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir,si looga hadlo aayaha dalka iyo arimaha doorashooyinka.
Madaxweynaha ayaa shaaciyay in maalinta Sabtida ee bishu tahay 3da April 2021,la isugu yimaado shir ka dhacay Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-kii September 2020 iyo 16-kii Febraayo 2021.