Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading:  Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka >  Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Soomaaliyeed
Wararka

 Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

By Kulane
Last updated: May 2, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA)…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa manta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska munaasabadda 1-da May, ee maalinta shaqaalaha aduunka aawadeed u diray shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyaga iyo qoysaskooda.

Dhambaalkaan waxa uu u qornaa sidatan;-

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinaynaa maskax iyo muruqa ay geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna. Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.

Waxay maanta oo kale mudnaayeen u qabasho dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin abaalmarino. Hase yeeshee, saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi.

Dalkeenna maanta waxaa uu la tacaalayaa halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaasoo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha, bulshada iyo weliba suuqyada shaqooyinka. Waxaa intaas inoo dheer masiibooyin dabiici ah oo ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkeenna, iyo argagixiso ummadda dhibaatadeeda guul u arka. Dhammaan caqabadahan waxa ay inagu waajibinayaan in aan laba laabno dadaalkeenna iyo waxqabadkeenna, innaga oo mideynayna muruqeenna iyo maankeenna, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna ku aaddan dal horumarsan oo barwaaqo ah.

Inkasta oo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeeyeen duruufo adag, haddana waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka gudbay caqabado badan, isla markaana xaqiijiyay rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dib u soo nooleynta Qarankeenna.

Dawladdu waxa ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqaynba, waxaana aan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada.

Waxaan xaqiijinay inaan shaqaalaha dawladda xuquuqdooda mushahar siino, taas oo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna, waana ku dadaalaynaa sidii guri kasta oo Soomaaliyeed u heli lahaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa.

Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa inaan halkaan baaq uga diro loo-shaqeeyeyaasha, ha ahaadaan dawlad, ganacsato, iyo hay’ado kaleba, in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha waqtigan adag ee cudurka COVID-19 saameeyay noloshooda oo idil. Ha la isku naxariisto si EEBBE noogu naxariisto.

Waxaan Alle naxariistiisa Jannatul Fardows u weydiinayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Bandhigga Ganacsiga Haweenka oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa si rasmi ah magaalada Mogadishu uga furtay Bandhigga…

Gudaha
March 8, 2026

“Anigu waxaan ahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Afrikaan ah taariikhda” – Samuel Eto’o

Afrika(SONNA)-In kasta uusan ku guuleysanin abaalmarinta Ballon d’Or muddadii uu ciyaarayay kubadda cagta, haddana halyeeyga reer Cameroon wuxuu dareensan yahay…

CaalamkaCiyaaraha
November 1, 2019

Fadliga Soonka

Muqdisho(SONNA):-Soonku waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, sida uu Nebigu SCW innoogu sheegay xadiiska ay diiwaangaliyeen Bukhaari…

MaqaalladaWararka
March 19, 2023

Madaxweynaha JFS oo magaalada Addis Ababa kaga qeyb galaya Meertada Labaad ee Shirka Cimilada Africa

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya…

GudahaWararka
September 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023