Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa qorsheynaya inuu bishaan safar booqasho ah ku tago Ruushka si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin, sida uu ku waramay sarkaal Mareykan ah oo la hadlay ย warbaahinta.
Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadli doona suurtagalnimada in Kuuriyada Waqooyi ay Moscow siiso hub uu u adeegsado dagaalka Ukraine, ayuu yiri sarkaalku.
Ma cadda goobta rasmiga ah ee lagu wado in lagu qabto shirka,sidoo kalena ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan kulankaasi ee la spp baxay labada dal.
Kulanka oo suurtogal ah in uu dhoco ,ayaa imaanaya ka dib markii Aqalka Cad uu sheegay in uu hayo xog cusub oo ku aadan in wada xaajoodyada hubka ee u dhexeeya labada dal uu si firfircoon u horumarayo.
Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka, John Kirby, ayaa sheegay in Wasiirka Difaaca ee Ruushka, Sergei Shoigu, uu isku dayay inuu Pyongyang ku qanciyo inay ka iibiso rasaasta madaafiicda mar uu dhawaan booqday Waqooyiga Kuuriya.