Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada oo soo saaray war-murtiyeed ku aadan xaaladda Soomaaliya.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada oo soo saaray war-murtiyeed ku aadan xaaladda Soomaaliya.
Gudaha

Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada oo soo saaray war-murtiyeed ku aadan xaaladda Soomaaliya.

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA)…Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa xalay yeeshay kulan dhina isgaarsiinta ah oo looga hadlaayey xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),waxa ay war murtiyeedkaan ku sheegeen sida ay uga cun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya,kaas oo ah mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro, amni xumo iyo dib u dhac ku yimaada dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Sidaa darteed, Madaxweynayaasha waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda:-

  1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka.
  3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh.
  4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021.
  5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah.
  6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan in ay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada.
  7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Degmada Dayniile uga qaybgalay Wacyigelinta Bulshada ee Kaalinta Isdiiwaangelinta

𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Degmada Dayniile uga qaybgalay kulan ku saabsanaa…

GudahaWararka
July 10, 2025

Taliyaha Booliiska oo furay imtixaan tartan furan loogu gelayo xulashada saraakiil ku biiraya barnaamijka waxbarasho ee Layli Sarkaalnimo

Muqdisho(SONNA(:-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaan tartan furan oo loogu…

GudahaWararka
May 12, 2025

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 IMF 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 gunaanadday 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐢𝐢 𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚,

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 Hey’adda Lacagta Adduunka ayaa 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐛𝐚 𝐠𝐚𝐛𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐢𝐢 𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚,𝐤𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐃𝐞𝐲𝐧-𝐂𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚. Kadib,shirar isdaba joog…

Gudaha
May 31, 2024

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka oo yeeshay kulan miro dhal ah

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka ayaa yeeshay kulan xasaasi ah,iyadoo si gaar ah…

Gudaha
April 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023