Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa isku diyaarinaya inuu booqdo magaalada Moscow, si uu kulan madaxeed ula yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin todobaadyada soo socda, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal.
wargeysku oo soo xiganaya dadka siyaasiyiin, ย wuxuu sheegay in shir-madaxeedka Xi-Putin uu qayb ka ahaa dadaalka Shiinaha uu ku doonayo inuu kaalin firfircoon ka qaato soo afjarida dagaalka sannad jirsaday ee ka socda Ukrine iyo qayb ka mid ah riixitaanka nabadda ee xisbiyada badan.
Shiinaha ayaa sidoo kale u isticmaali doona shir madaxeedka in uu ku celiyo baaqyada ah in aan la isticmaalin hubka nukliyeerka, ayay warbixintu raacisay.
Wargeyska aya intaa ku daray in booqashada Xi laga yaabo inay dhacdo Abriil ama horraanta May marka Ruushku u dabaaldegi doono guushii laga gaaray Dagaalkii Labaad dunida ee lagu jabiyay ย Naziyiintii ย Germany.
Diblumaasiga ugu sarreeya Shiinaha Wang Yi ayaa hadda ku sugan magaalada Moscow, waxaana la filayaa inuu maanta la kulmo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov.
Xi iyo Putin ayaa markii ugu dambeysay shaqsi ahaan ku kulmay Shiinaha ka hor Ciyaaraha Olombikada Jiilaalka ee Beijing sanadkii hore, maalmo ka hor inta aysan Ruushka soo gelin Ukraine 24-kii Febraayo.