Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagay dalka Shiinaha, iyadoo labada dal ay doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda oo sii hagaagay tan iyo markii Moscow ay weerartay Ukraine laba sano ka hor.
Madaxweynaha Shiinaha ayaa si diiran u soo dhoweeyay Mr.Vladamir,iyagoo isla soo qaaday qodobbo badan oo ay ku jireen wanaajinta xiriirka laba geesoodka ah ee Ruushka iyo Shiinaha iyo sii ambaqaadidda barnaamijtada horumarineed ee mustaqbaka horyaalla dhinacyadaasi.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha ay war ka soo saran kulanka labada dhinac iyo waxa u qabsoomay.
Booqashada ย ayaa timid maalmo ka dib markii Ruushka uu weerar cusub ku qaaday gobolka Kharkiv ee waqooyi bari ee dalka Ukraine,halkaasi oo la tilmaamayo in ciidamada Ruushka ay horay ugu sii siqeen boqolaal km ah jiidda hore ee dagaalka.
Ciidamada Kyiv ayaa la sheegayaa in ay la kulmeen caqabad ku saabsan dib u dhaca ย ku yimid hubkii iyo rasaastii uga imaan jirtay Maraykanka.