Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo goob fagaare ah kaga jawaabay su’aalo la waydiiyey
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Madaxweynaha JFS oo goob fagaare ah kaga jawaabay su’aalo la waydiiyey
CaalamkaWararka

Madaxweynaha JFS oo goob fagaare ah kaga jawaabay su’aalo la waydiiyey

By Kanaava Mohamed
Last updated: December 28, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho, Diseembar 27, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay  ka qeyb-galay dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, qorshaha xasilinta, cunuqabateynta hubka ee la qaaday, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, bixitaanka ATMIS iyo Deynta Soomaaliya laga cafiyay.

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada; Madaxweynaha ayaa soo bandhigay miro-dhalka wajiga koowaad ee howlgalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay diyaarinayso ciidamo si gaar ah uga shaqeeya amniga iyo difaaca deegaannada la xoreynayo.

“Bisha Tobonkeedii ilaa hadda waxaa socda howlgallo joogta ah, muddadaas ilaa hadda waxaa lagu guuleystay xoreynta deegaanno badan. Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay u wada taagan yihiin xoreynta dalka. Qabaa’il badan ayaa wada-yeeshay iskaashi ay ku cirab-tirayaan argagixisada.”

Amniga iyo Bixitaanka ATMIS;

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee AMISOM ay ka qaateen nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna muujiyey sida uu uga faraxsan yahay in Ciidamada Soomaaliyeed ay soo gaareen marxalad ay ku hantaan sugidda amniga Madaxda, Hay’adaha dowladda iyo hoggaanka dalka.

“Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in amnigeyga ay ilaaliyaan wiilal Soomaaliyeed, haybad iyo nasiib gaar ah ayeeyna ii tahay in aan noqdo Madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee ay ammaankiisa si buuxda u ilaaliyaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, tan iyo burburkii dalka”.

Deyn cafinta iyo kobaca dhaqaalaha; Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay natiijada laga filanayo deynta laga cafiyey dalkeenna, waxa uuna xusay in sannadkan 2023 uu kobcay dhaqaalaha 14%, waxa ayna dowladdu higsanaysaa in sannadka cusub la gaarsiiyo kobac dhan 22%, taas oo ay barbar socota yareynta fakhriga iyo saboolnimada oo la yareeyey lana gaarsiiyey 54%,halka uu horey u ahaa 69%.

“Horumarka dal waa in uu leeyahay hiigsi fog. Sida aan u sheegnay, sannadkan iyo sanadka xiga ugama gudbi karno caqabadaha jira, waana sababta aan u keennay hiigsiga 2060. Soddon iyo Todoba sano oo hadda kaddib ah, Soomaaliya side u ekaanaysaa in aan maanta gaarno go’aankeeda.”

Dhameystirka Dastuurka;

Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dastuurka ayaa waxa uu yiri “Qabyo tirka Dastuurku dib u dhacyo badan ayuu lasoo kulmay, waxaana isku soo dhiibay Baarlamaano kala duwan oo uu waqtigu ka dhammaaday iyaga oo ka shaqeynaya. Waxaa naga go’an in uusan muddoo xileedkan nala dhaafin, dhammeystirkiisana waxaa asal u ah rabitaanka ummadda Soomaaliyeed. Qaabka aan anigu jeclahay waxaa ka muhiimsan rabitaanka inta badan bulshada Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su’aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta hay’adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda shaqada DFS oo soo bandhigtay qorshayaasha ugu weyn ee xilligan ay diiradda saarayaan

Muqdisho:(SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo maanta guddoomiyay kullanka bilaha ah ee Agaasime…

WararkaWargayska
July 12, 2020

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo qabatay kulan looga hadlayay ansixinta sharciga Xanaanada Xoolaha “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa  Muqdisho ku qabatay kulan looga doodayey ansixinta sharciyada Xanaanada…

Wararka
December 24, 2020

R/wasaare Khayre oo saaxiibada caalamka kala hadaly dardar gelinta gurmadka Qardho

Muqdisho,(SONNA)… ---Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaay isku dubaridka u gurmashada Qardho oo ay ka qeyb galeen…

Wararka
May 12, 2020

Taiwan : Shil Tareen oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo

Ugu yaraan 54qof ayaa la sheegay in ay dhinteen, tiro kale oo bandanna, waxaa soo gaaray dhaawacyo ka dib markii…

Caalamka
April 2, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023