Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Allaha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa xusay in Malaaqu uu ahaa hormuud dhaqan, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada.
โInnaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Malaaqu waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka.โ
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan reer Koonfur Galbeed ee uu ka geeriyooday.