Baydhabo (SONNA) Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Cafis u fidiyey qaar kamid ah Maxaabiista ku jirtay Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa bixiyey Deemihii lagu lahaa qaar kamid ah Maxaabiista, Munaasabada Sanad guurada 4-aad Awgeeda.
Qaar kamid ah Maxaabiista maanta la sii daayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa soo dhaweeyay tillaabada, iyaga oo u mahad celiyay Madaxweynaha.