Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa manta ka wadahadlay arrimo la xiriira dhinaca doorashooyinka iyo sidii looga gudbi karo caqabadaha jira ee hakiyay doorashada.
Kulankaasi waxaa sidoo kale looga hadlay sidii shirarka soo socdo uu u noqon lahaa mid guuleysta oo ay ku qancaan dhinacyada siyaasadda dalka.
Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ayaa si weyn Madaxda Siyaasadda cadaadis ugu saaraya sidii heshiis looga gaari lahaa hirgelinta doorashada iyadoo laga amba qaadayo heshiiskii doorashooyinka ee 17 September ee sanadkii hore.