Muqdisho.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee dhanka Waxbarashada ay tahay mid ahmiyad weyn ugu fadhiso, isla markaana dowladdu ay 10,000 oo macalimiin ah ku biirin doonto nidaamka Waxbarasho ee dalkeenna.
Waxaan ogahay sida tacliintu u baabi’in karto saboolnimada. Waxaan ku soo koray deegaan yar oo miyiga ku yaal. Markii uu geeriyooday aabahay, hooyaday waxay caqabad wayn kala kulantay sidii ay ku xaqiijin lahayd inaan waxbarasho helo. Walow aysan awoodin inay wax akhriso, waxay haddana si joogto ah u hubin jirtay shaqo-guriga (layli) la i soo siiyay iyadoo eegi jirtay haddii wax calaamad casaan ahi ka muuqato. Hal-adayggeeda awgiis, waxaan awood u yeeshay inaan gacan ka gaysto dhisidda mid ka mid ah hay’adaha tacliineed ee dalka ugu wayn. Fursad taas la mid ah ayaan u doonayaa dhammaan carruurta Soomaaliyeed.
Sababtaas awgeed, dowladdayda waxay durba billowday olole ballaaran oo macallin-qoris ah, kaas oo higsanaya in 10,000 oo macallimiin ah lagu biiriyo nidaamka waxbarasho ee dalka, iyadoo 20 boqolkiiba ay noqon doonaan hablo macallimiin ah. Durba, waxaan qornay 3,000 oo macallimiin kuwaas oo haatan tababar ku jira.