Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku marti-qaadan Kulan Dadweyne oo ay qabaneyso Madasha Minbar initiative oo shacabka Soomaaliyeed ay ku waydiinayaan su’aalo ku saabsan caqabadaha iyo hurumarka dowlad dhiska Soomaaliya.
Mawduucyada aasaasiga ah ee Madaxweynaha wax laga weydiin doono ayaa la xiriir talaabooyinka waaweyn ee Dowlad Federaalka Soomaaliya qaaday sanadka 2023
* Dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, qorshaha xasilinta iyo xajinta
* Cunuqabateynta hubka ee la qaaday waxa xiga, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida.
* Bixitaanka ATMIS iyo qorsha ciidanka xooga dalka kula wareegayaan goobaha ay kabaxaan.
* Amniga Caasimada.
* Deynta Soomaaliya laga cafiyay.
* Ku biiritaanka Soomaaliya ee Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo Siyaasadda arrimaha dibadda.