Muqdisho, (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, culimaa’udiinka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Sheekh Maxamed inuu ahaa caalim caan ah oo door muhiim ah ka qaatay fidinta diinta Islaamka, sare u qaadista aqoonta, iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.
โInnaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Alle ha u naxariisto Marxuum Sheekh Maxamed. Wuxuu ahaa caalim qiimo badan oo door weyn ka soo qaatay fidinta diinta Islaamka iyo kor u qaadidda aqoonta iyo wacyiga bulshada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle ka baryay inuu Marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska marxuumka iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.