Muqdisho(SONNA:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda sanad-guurada 25-aad ee aas-aaska Jaamacadda SIMAD.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey aas-aaseyaasha, maamulka, macallimiinta iyo Ardayda Jaamacadda SIMAD rubucu qarni ah ka soo wareegtay hirgelinta Jaamacaddan oo door muuqato ka qaadatay horumarinta aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kobcinta tacliinta sare ee dalka.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxda dowladda, aqoonyahanno, iyo xubno muhiim ah oo bulshada ka tirsan, kuwaas oo dhammaantood xusay muhiimadda waxbarashada iyo doorka jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta bulshada iyo dhaqaalaha dalka.