Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee BJFS
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee BJFS
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee BJFS

By Khadar Mahdi
Last updated: January 2, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay mowqifka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan heshiiska aan sharciga ahayn ee Addis-ababa ay ku kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland.

Madaxweynaha oo dul istaagay taariikhda qotadadheer ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xusay in aragtida ay qaateen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku dhisan nabadda, daris-wanaagga iyo wada-noolaanshaha aysan ka dhignayn in aan nahay dad si fudud lagu qaadan karo dhulkooda iyo baddooda.

“Dadka Soomaaliyeed si dhab ah ayey u qaateen in ay colaadda ka jeestaan oo qaataan nabad, daris wanaag iyo wada-nolaansho, waana midda aan ku keennay halkudhigga aan maanta haysanno ee Soomaali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah, duniduna waxay ka bilaabata dariskeenna. Itoobiya xumaanteeda, burburkeeda iyo kala-qeybsanaanteeda kama aanan shaqeyn, annagoo waliba haysanna asbaabo badan oo dad badan ay jeclaan lahaayeen in aan uga shaqeyno”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay khatarta ka dhalanaysa tallaabada qar-iska-xoornimada ah ee uu qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxa uuna ka digay caawaqib xumida amni iyo bulsho ee gobolku uu ka dhaxlayo.
“Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxaan leeyahay, faro-gelintii Meles Zenawi uu ku sameeyey Soomaaliyey waxaa ka dhashay Alshabaab. Maanta oo aan Shabaabkii ka adkaanay oo madaxdoodii inbadan isa soo dhibayaan, dhulkiina aan badankiis ka xoreynay, fursad kale in loo abuuro Alshabaab oo dhallinyaradeenna ay ku soo xereystaan nama qabato, gobolkana ma qabato”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay taariikhda gumeysi la dirarka ee dadka gobollada Waqooyi iyo sida ay uga digtoonaayeen dhagarta shisheeyaha, waxa uuna ugu baaqay jiilasha maanta in ay kala saaraan duurafaha siyaasadeed ee aan joogtada ahayn iyo masiirka jiilasha danbe.

“Taariikhda walaalaheenna Waqooyiga Soomaaliya waxaa ku jirta in qarniyo hore ay diideen in gumeystaha carruurtiisu ay ku dhalato dalka. Heshiisyada ay galeen waxaa ka mid ah in haweenka gumeystaha ay ku soo dhalaan dalka dibaddiisa, si aysan u sheegan barri xuquuqda dalka. Waa taariikh hore oo Maqaar (Harag) ku qoran. Maanta haddii ay noolaan lahaayeen maxay dareemi lahaayeen? Maanta qarniga 21-aad Awooweyaashaas, qaar ka mid ah carruurtoodii haddii ay leeyihiin dalkii baan gobol ka mid ah bixinaynaa haddii ay maqli lahaayeen in uu wadnuhu istaagi lahaa baan u malaynayaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida dadka Soomaaliyeed ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda, aysanna u aqbalayn in taako ka mid ah cid kale qaadato, iyagoo ku shaqeynaya himilo horumarineed iyo midnimo.

“Cid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Soomaaliya ma jirto. Awooweyaasheen baa diiday, aabeyaasheen baa diiday, hooyooyinkeen iyo adyeeyayaasheen baa diiday, annagaa intaan nooleyn diiday. Sina suurta gal kuma ahan inta yarta ah ee Soomaaliyada aan maanta haysanno oo aan waliba hoosta ka qabno inbadan aa naga maqan oo anan ahayn in ay naga maqnaato, haddana aan ku ballanay in aan intaan horumarsanno, nabadeyno, dadka ku nool iyo deegaannadeen aan qurxisanno aan ku balannay, maanta in cad ka mid ah uu baxo ma ogala dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Dowladda Itoobiya in aynu nabad ku wada noolaanno, gaar ahaan, xilligan oo duruufo adag ay ka taagan yihiin Geeska Afrika, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada iyo argagixisada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Muqdisho (SONNA) - 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku adkeeyay shacabka muhiimada midnimada iyo wadajirka, isagoo xusay…

Wararka
September 26, 2024

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaatay wakiilada Beesha Caalamka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qeybgalay kulan heer sare ah oo ay isugu yimaadeen Kooxda…

GudahaWararka
July 17, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda,…

GudahaWararka
April 12, 2025

Xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo si casri ah loo dhisayo

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali oo ay weheliso Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dahabo Suusoow…

GudahaWararka
August 17, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023