Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo hambalyo ku aadan xuska 15-ka May u diray shacbiga Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Madaxweynaha JFS oo hambalyo ku aadan xuska 15-ka May u diray shacbiga Soomaaliyeed
Wararka

Madaxweynaha JFS oo hambalyo ku aadan xuska 15-ka May u diray shacbiga Soomaaliyeed

By Kulane
Last updated: May 15, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA)…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan sannad-guurada 77-aad ee aas-aaskii Ururka (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kii dhallinyaro ee baalka dahab ah ka galay taariikhda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida.

Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.โ€

Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed.

SYL kuma muteysan maamuuskaas kaliya in ay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadeen heeryada gumeystaha, una horseedeen gobanimo buuxda, balse waxa ay ku muteysteen in caqabadaha waaweyn iyo jilaafooyinka ay ka soo gudbiyaan halganka dheeraa ee gobanimo-doonkaโ€

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladihii adkaa ee ay dhaxashay Dowladda uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahayd hannaankii dhaqaale ee aadka u hooseeyey, daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalkeenna, xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa soo bandhigay guulaha taariikhiga ah ee Dowladdu ay ku wajahday caqabadahaas iyo ifafaalaha maanta muuqda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda iyo noloshoodaba u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo wadaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta dalkeenna iyo dadkeenna.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka qeyb galay madasha dhaqanka Shiinaha ee 2023

Changsha,(SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Changsha ee caasimadda gobolka Hunan uga qeyb galay…

GudahaWararka
September 12, 2023

Qurba-joogta Jabuuti oo mashaariic horumarineed ka fulinaysa dalkooda

Djibouti (SONNA)- Maal-qabeenada reer Jabuuti ee mudada dheer ku noolaa qurbaha ayaa haatan dalkooda dib ugu soo laabanaya, islamarkaana maalgashi…

GanacsigaWararka
September 13, 2020

Khawaarijta oo dab qabadsiiyay Guryo ay Dad shacab ah lahaayeen

Muqdisho(SONNA):-Maleyshiyaadka Kooxda Khawaarijta ayaa saaka dab qabadsiiyay guryo dad shacab ah leeyahay Deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug Ujeedka khawaarijta…

Wararka
April 2, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay marxaladda dagaalka Khawaarijta

Dhuusamareeb (SONNA): Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa farriin u…

GudahaWararka
August 29, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023