Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar u furay ciidamo loo tababarayo in ay qeyb ka noqdaan ciidanka daraawiishta Galmudug, kuwaa oo lagu tababarayo xerada tababarka Indha Qaris oo ku taala duleedka Barri ee deegaanka Docol oo hoostaga degmada Gaalkacyo.
Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Macalin Fiqi oo furitaankii tababarka ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadaasi ay qeyb ka noqan doonaan ciidamada daraawiishta Galmudug, isagoo intaa ku daray in wixii hadda ka danbeeya masโuuliyadooda xuquuqeed ay saaran tahay dowlad gobaleedka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dar daarmay ciidamada tababarka loo furay in ay xil iska saartaan masโuuliyadda saaran ee ay ka mid tahay difaaca dalka, gaar ahaan deegaannada Galmudug kuwaa oo qaarkood gacanta ugu jira cadow loo baahan yahay in laga xoreeyo.