Muqdisho (SONNA): Guddomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta munaasabad sagootin ah ugu sameeyay xarunta dhexe ee hay’adda madaxa UNDP ee Soomaaliya Mudane Jocelyn Mason.
UNDP ayaa SoDMA ka taageerta tayeynta iyo kor u qaaadsita dhismaha awoodda hay’adda, dhisidda kaabayaasha iyo ka jawaabista xaaladaha gurmadka degdegga ah.
Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn UNDP kaga mahadceliyey garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo xiriirka shaqo ee kala dhaxeeya hayadda SoDMA, waxaana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madax UNDP ee Soomaaliya Mudane Jocelyn Mason sidii wanaagsaneed ee uga shaqeeyey arrimaha ka jawaabista xaaladaha gurmadka degdegga ah ee Soomaaliya.
Jocelyn Mason oo madax ka ahaa xafiiska UNDP ee Soomaaliya ayaa waxaa dhammaaday muddo xileedkiisii shaqo ee Soomaaliya.