Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Dalka Lubnaan.
Wasiiro dowlaha Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada XFS Yusuf Mohamed Adan iyo Xil Mohamed Abdirahman( Nadif), qubaro ka socdey Wasaaradda beeraha iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qayb galay madal looga hadlayey ilaalinta sinnaan la aanta bulshada iyo sugnaanta Cuntada kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada Beyruut.
Wasiir Yusuf oo ka qeb galey Madasha Dood wadaaga ayaa ka faaloodey qorshaha Wasaaradda kaga aadan atrimaha Buulshada ,isagoo ugu horeyn uga mahadeliyey Dowladda Lubnaan iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beyruut casuumaadda ay u fidiyeen, waxaana uu la wadaagay in Soomaaliya ay u aragto Wadamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo Dowalad dhiska Soomaaliyeed.
Wasiiro Dowlaha ayaa ku dheeraadey guulaha ay gaartay wasaarada,gaar ahaan ย dhanka arrimaha bulshada iyo faaiidada ay leedahay diwaanka bulshada (Unified Social Registry) wuxuuna ugu dambeentii halkaasi ka sheegay sida ay Dowaldda Soomaaliya ugu goโan tahay siyaasada ilaalinta Bulshada, Xaqiijinta amniga dalka iyo Dagaalka Khawaarijta lagula jiro oo la qorsheeyay in la dhameystiro sanadkaan .