Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo u hambalyeeyay ciidamada Xoogga

La wadaag cid kale

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa  boogaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka gaareen howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Galmudug

“Geesiyaasha naftood hurayaasha ah ee qaranka  waxay saaka la wareegeen deegaanno hor leh oo ka tirsan Galgaduud ,waxaana  Maamulka iyo   shacabka gacanta ka geestay xoreynta goobahaas ay yihiin kuwo ku mahadsan , Waxaan Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ka codsanayaa in CXDS ay ku garab istaagaan ciribtirka argagixisadda “ ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Ciidanka Xoogga ayaa saaka barqadii la Wareegay Deegaanada Labi-dulle iyo Dhaban –dhulkuheys oo ka tirsan Gaalgaduud,halkaasi oo hore gabbaad uga dhiganayeen argagixisadda Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Taliska Xoogga oo iskaashanaya ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu ciribtiraayo argagixisadda Al-Shabaab.

La wadaag cid kale