Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle ayaa soo xiray tababar aqoonkororsi ah oo loo qabtay 30 gabdhood oo saxafiyiin ah oo ka hawlgala hay’adaha Warbaahinta gaarka ah iyo ururada saxaafadda.
“ka wasaarad ahaan waxaan rabnaa in tababarka gabdhaha aan sii wadno waxaanna gaarsiin doonaa dhammaan xarumaha dowlad goboleedyada “ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Warfaafinta.
Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle ,waxa uu kula dardaarmay gabdhaha saxafiyiinta ah ee ka faa’iidaystay tababarka in ay dhaqan galiyaan waxyaabihii ay ka faa’iideysteen tababarkaasi aqoon-isweydaarsuga ah.
Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Marwo Fartuun Axmed Xasan ayaa sheegtay in u jeedka tababarka uu ahaa xoojinta doorka dumarka ee maamulka Warbaahinta.
Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,waxa uu socday muddo 3 cisho ah,iyadoo ka qeyb galayaasha ay halkaasi ku qaateen casharro la xiriiray habka maamulka hay’adaha warbaahinta,gaar ahaan xal u helidda caqabadaha iyo fursadaha gabdhaha ee hay’adaha warbaahinta.