Muqdisho.SONNA…Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa xalay si rasmi ah u soo gaba gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 32 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka.
Agaasimaha Guud oo ka hadlay xiritaankii tartankaasi ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diyaarinta tartanka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, Maamulka Gobolka Benaadir iyo Bankiga IBS oo iska kaashaday taabagelinta tartanka.
sidoo kale waxa uu Agaasimuhu hambalyo u diray tartamayaasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamaayeyโayuu yiri C/Laahi Xayir Ducaa;e.
Dhinaca kale Degmada Laascaanod ayaa xalay ku guuleysatay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee ay qaban-qaabiyeen Warbaahinta Qaranka,kadib kolkii kulan adag ay la yeesheen Degmada Xamarweyne.
Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa mudadii uu socday maalgaliyay ama qaban-qaabadiisa lahaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.