Muqdisho.SONNA…Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’ud Aweys ayaa u mahad celiyay dowladda Tukiye oo dadaal xoogan u gashay sidii loo horumarin lahaa qeybaha warbaahinta ee ka gowlgala dalka.
Wasiirka ayaa yiri”Xilli Baahi badan loo qabay in Soomaaliya ay hesho isbaheysi caalami ah oo Soomaaliya dhibaatada la qeybsada waxaa garab istaah inoo muujiyay walaalahern Turkiye”.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane C/laahi Xayir Ducaale ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga garab istaagga ay u muujiyeen maamulka Warbaahinta Soomaaliya.
Hadaladaan ayaa daba socda xiritaanka tababar loo qabtay qeybaha warbaahinta oo ay maalgaliyeed dowladda Turkiye.