Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Jeneraal Dalka Cali Maxamed Maxamuud ayaa kormeer howleed oo ku saabsanaa xaaladda ciidanka ku tagay fariisimaha ciidanka ee deegaanka Baarsanguuni.
Kormeerkaan ayaa la xiriiray ย dhiirigalinta ciidankaย iyo dardargalinta howlgalka ka dhanka ah maleesjiyaadka Al-shabaab ee weli ku dhuumaaleysanaya deegaanada Jubbooyinka,isagoo xusayย in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa kooxahaasi .
Taliyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan kuwa ku dhaqan Jubbooyinka ugu baaqayย in ay garab istasagaan ciidamada ku jira la dagaalanka khawaarijta ee dhibaatooyinka ku hata dadka Soomaaliyeed.