Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya ahna Xiriiriyaha Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa si wada jir ah u shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen madaxda hay’adda SODMA iyo OCHA.
Kulanka oo ka dhacay xarunta hay’adda SODMA ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha, dhamaystirka iyo daahfurka baahiyaha bani’aadanimo iyo qorshaha ka jawaabcelinta ee dalka ee sannadka 2026.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu falanqeeyay hoos u dhaca ku yimaaday gargaarka caalamiga ee bani’aadanimo iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay iska kaashadaan maaraynta xaaladaha abaaraha ee ka taagan dalka.