Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika ayaa ku hanjabay in ay tallaabo militari ka qaadi doonaan hoggaanka Niger kadib markii ay talada dalkaasi kula wareegeen afgambi todobaadkii hore.
Hogaamiyayaashan ayaa ku baaqay in muddo 7-cisho ah dib loogu soo celiyo Madaxweyne Maxamed Bazoum oo hadda gacanta lagu hayo,waxayna intaa raaciyeen in Ecowas aysan wax dulqaad ah u lahayn afgambiga.
Hadaladaan ayaa yimid kadib markii madaxda Ecowas ee midowga wadamada Galbeedka Afrika, ay wadahadalo xasaasi ah ku yeeshay caasimadda Nigeria ee Abuja Axadii si ay uga wada hadlaan afgambigii ugu dambeeyay ee daba socda afgambiyadii ka dhacay Mali iyo Burkina Faso oo dariska la ah Niger.
โUrurka gobolku wuxuu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah soo celinta nidaamka dastuuriga ah ,haddii dalabaadkooda lagu fulin waayo toddobaad gudihiis โayaa lagu daray bayaanka ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen .
Ciidamada milatariga ayaa horay u soo saaray ย digniin ay ku sheegeen ineey iska caabin doonaan qorshe kasta oo gardaro ah oo ay wadaan quwadaha gobolka ama reer galbeedka.