Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan ayaa booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka dalkaasi (NDMA), halkaas oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Inam Haider Malik.
Dhinacyadaasi ayaa sidoo kale ka hadlay is-weydaarsiga khibradaha, wadaagidda aqoonta, iyo xoojinta awoodaha hay’adaha, iyada oo la tixgelinayo waayo-aragnimada NDMA Pakistan iyo dadaallada SoDMA ee ku aaddan dhismaha nidaam qaran oo lagu maareyn karo masiibooyinka dalka.
Guddoomiyeyaasha Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya iyo Bakistaan waxa ay si buuxda isugu afgarteen xoojinta iskaashi farsamo oo joogto ah, kaas oo ku saleysan wada-shaqayn, is-dhaafsi aqoon iyo dhisidda nidaamyo maareyn oo adkaysi iyo waxtar rasmi ah u leh bulshooyonka labada waddan.
Kulankaasi kadib waxaa Guddoomiyaha SoDMA waxaa lagu soo wareejiyay waaxyaha kala duwan ee qaabilsan nidaamyada casriga ah ee maareynta masiibooyinka ee dalka Bakistaan.
