Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin ayaa Muqdisho uga qeyb galay kulanka qalinjebiyaasha xirfadleyda sharci ee jaamacadda caalamiga ah ee Daha oo kamid ah jaamacadaha dalka ee lagu barto qaanuunka.
Kulanka ay oo isugu yimaadeen qaar kamid ah sharciyaqaannada jaamacadda Caalamiga ah ee Daha ka aflaxay ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiir ku-xigeenka Diinta iyo Awqaafta, Saalax Shariif Sayid Cali, wasiirkii hore ee diinta, Sheekh Cabdulqaadir Cali Ibraahim (Baqdaadi) iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah madaxda jaamacadda.
Guddoomiyaha guddigga sare ee jaamacadda Daha, Dr. Sheekh Abuukar Xasan Maalin ,Guddoomiyaha Jaamacadda, Daahir Axmed Xasan, iyo xirfadleyda sharci ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir Xasan Macallin uga mahad celiay kasoo qeyb galka kulanka dhiirri gelinta iyo dadaallada horumarita qeybta qaanuunka ee dalka.
Wasiir Xasan Macallin oo ay ka go’antahay horumarinta qeybta sharciga dalka, ayaa dhawaan dalka Turkiga deeq waxbarasho sare ugu diray sharciyaqaanno dowladda u shaqeeya, si ay takhasus sharci usoo sameeyaan oo xirfad iyo aqoon sare dalka ugu soo celiyaan, arrintaas oo qeyb ka ah dadaallada uu ku dhisayo karaanka howl-wadeennada sharciga qaranka.