asiirka Waxbarashada iyo Hiddaha iyo Tacliinta sare Faarax Sheekh C/qaadir iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka ayaa ka qaybgalay munaasab loogu dabaal-dagayay sanadguuradii 25-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska dugsiga sare ee Iimaan Axmed Gurey.
Xafladdaan oo ay sidoo kale ka qeybgaleen xubno ka socday maaulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay,waxaa ka hadlay Xildhibaan Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle,Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xusseen Guuleed iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Maxamuud Guurre
Hadal uu xafladdaasi ka jeediyay Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha iyo Tacliinta sare Faarax Sheekh C/qaadir,waxa uu ka waramay ahmiyadda waxbarashadu ay u leedahay bulshada iyo doorka ay ka ciyaari karto horumarka dalka iyo dadka.
Xafladdaasi waxaa hadallo warbixin ah oo la xiriiray aasaaskii dugsiga sare Axmed Gureey halkaasi ka soo jeediyay maamulka iyo macalimiinta dugsigaasi.