Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo cambaareysay weerarada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ee dalalka Khaliijka
    March 19, 2026
    Jaaliyadda Finlad oo aas u sameeyay qoys ka kooban 5 ruux oo Soomaali ah
    March 19, 2026
    Kulan ku saabsan horumarinta doorka Haweenka Soomaaliya oo lagu qabtay Mareykanka
    March 19, 2026
    Agaasimaha NISA oo kormeer dhiirrigelin ah ugu tagay ciidamada ka hawlgala Sh/ Hoose
    March 19, 2026
    Mashruuca afurinta dadka danyarta ah oo Muqdisho lagu soo gunaanaday
    March 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 24, 2025
7 Min Read
Share

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Qaranka, kuwa deegaanka iyo maamulka gobolka Hiiraan, kaasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana looga hadlay dardargelinta howlgallada ciidanka ee ka dhanka ah Khawaarijta iyo sida ugu habboon ee loo xoojin karo wadashaqeynta hey’adaha ammaanka iyo ciidanka kale ee ku howlan ciribtirka kooxdaasi.

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo maalmahaan ku sugnaa furimaha dagaalka ee Gobolka Hiiraan ayaa boogaadiyay guulaha ciidanka qaranka ay todobaadkaan ka soo hooyeen la dagaalanka kooxaha nabad-diidka,wuxuuna kula dardaarmay in la dardargaliyo howlgalada ciidan ee ka socda gobolka Hiiraan iyo deegaanada kale.

Kulanka waxaa dhinaca kale ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure,Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Gobolka Hiiraan Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaa,kusimaha Ciidanka qeybta 27-aad C/Laahi Barre  Cilmi,Taliyaha qeybta Boliiska Hiiraan Isaaq Cali C/Le iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiitaan Muuse Salaad Weheliye, iyadoo sidoo kale Kulankaasi waxaa soo xaadiray qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka iyo waxgarad ka socday qeybaha bulshada.

Sidoo kale Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee (NISA), Mudane Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa kulan muhiim ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Xaq-u-Dirirka deegaanka, kaas oo diiradda lagu saarayey dardargelinta amniga iyo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada Gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ka dhacay degmada Moqokori ayaa lagu falanqeeyey sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta hay’adaha ammaanka, ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanka, si loo xaqiijiyo guulo waaweyn oo ka dhan ah kooxda Khawaarijta.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in si isku duuban looga hortago Khawaarijta, lagana xoreeyo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hawlgallo dhulka ah iyo duqeymo lagu weeraray maleeshiyaadka Khawaarijta oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose lagu dilay ilaa 120-ka tirsan Khawaarijta.

Wasiir Fiqi ayaa xusay in dagaallo culus oo wali ka socda xadka gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, jab weyn lagu gaarsiiyey argagixisada, sidoo kalena Jubada hoose oo lagu dilay ilaa 30-ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta qaarkood oo gacanta lagu dhigay, lana hubinayo inay ku jiraan horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Howlgal kale oo ka shacay deegaanada Sabiid iyo caanoole ee Gobolka Shabeelada Hoose oo ay fuliyeen ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa lagu dilay horjooge iyo koox ilaalo u aheyd, kaas oo si gaar ah ugu lug kahaa Hoobiyaal dhowr mar lagu soo tuuray xaafadaha Muqdisho, sida lagu xusay Shirkaasi Jaraa’id.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa u mahadceliyey Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey dhabar adeyg iyo geesinimo, islamarkaana ku guulaystay inay dhul badan ka saaraan Khawaarijta, isagoo ugu dambeyntii, ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ka fogaadaan hadal kasta oo dhaawacaya halganka Qaran, ayna noqdaan kuwo garab istaaga Ciidanka iyo shacabka ‘halkii ay noqon lahaayeen codka cadowga’.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Maclin Fiqi oo u waramay dhawaan Warbaahinta qaranka ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ciidamada qaranka oo ay ku jiraan kuwa deegaanka ee loo yaqaanno Macawisleeyda ay u diyaargaroobaan dagaal lagu soo afjarayo kooxaha khawaarijta ee diidan nabadda Soomaaliya.

“Suurtagal maaha in dad ka yimi meelo fog-fog iyo kuwo ajaanib ah ay kugu addoonsadaan deegaankaaga”ayuuyiri Wasiir Fiqi oo intaa raaciyay in ay waajib tahay la dagaalanka kooxdaan oo diidan horumarka dadka iyo deegaanka.

Wasiirka ayaa xusay in kooxda nabad-diidka ay marayaan xaalad gabagabo ah,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago kooxdaasi,isagoo si gaar ah uga codsaday dhallinyarada in ay xoogooda ku muquuniyaan Al-Shabaab maadaama ay diidan yihiin in dhallinyaradu in ay helaan nabad,shaqo iyo amni.

Dhinaca kale Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda Marayknka wuxuu abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan oo dollar ku bixinayaa wixii macluumaad ah oo ku saabsan Cabdullaahi Banati iyo qof kasta oo mas’uul ka ah weerarkii argagixisada ahaa ee ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Manda Bay, Kenya, Janaayo 5, 2020. Xarunta Manda Bay waa saldhig milatari oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Kenya, kaas oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka, si ay u siiyaan xulufada Maraykanka ee Bariga Afrika tababar iyo taageero ku aadan ka hortagga argagixisada, ugana jawaabaan dhibaatooyinka iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka, sida ay qortay ADF.

Aroornimadii hore ayaa maleeshiyada Al-Shabaab ay Madaafiic ku garaaceen fariisimaha ku dhexyaalla saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka, waxayna si isku mar ah u huwiyeen baasuukayaal iyo hubka fudud garoonka diyaaradaha ee ku dhagan Manda Bay. Labo duuliye oo Qandaraasleyaal ahaa oo ka tirsanaa waaxda difaaca, oo labaduba ahaa muwaadiniin Mareykan ah, ayaa la dilay markii diyaaradahooda militariga lagu garaacay RPG-yada. Qandaraasle seddexaad oo ka tirsan waaxda difaaca, oo sidoo kalena ahaa muwaadin Maraykan ah, ayaa ka badbaaday qaraxa laakin waxaa soo gaaray dhaawac culus. Khabiir ahaa militariga Mareykanka sidoo kalena ahaa hagaha taraafikada hawada ayaa la dilay.

Sidoo kale, labo ka mid ah shaqaalaha adeegga muwaadiniinta Mareykanka ayaa ku dhaawacmay dagaalka. Askari Kenyan ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka. Fiidiyoow ay baahisay wakaaladda wararka ee Al-Shabaab ee Shahada, ayaa afhayeenkooda wuxuu sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarkaas.

Cabdullaahi Banati wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ku lugta lahaa qorsheynta howlgalka weerarkii Janaayo 5teedii, 2020-kii ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Manda Bay. Al-Shabaab – oo ah faraca ugu weyn ee Al-Qaacida ee Bariga Afrika – ayaa mas’uul ka ah weerarro argagixiso ah oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, kuwaas oo galaaftay nolosha kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah. Bishii Maarso 2008-kii waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsaday inay yihiin urur Argagixiso Shisheeye ah iyo Argaggixiso Caalami oo Gaar ah.

Sidoo kale, bishii Abriil 2010-kii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Guddiga Cunaqabataynta Soomaaliya ayaa u aqoonsaday Al-Shabaab inay yihiin urur sida ku xusan qodobka 8aad ee Qaraarka 1844 (2008).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo cambaareysay weerarada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ee dalalka Khaliijka

Muqdisho.SONNA…..Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay wadaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah…

March 19, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynihii Dalka Chad oo la dilay.

Chat (SONNA):-Ciidamada Chad ayaa Maanta oo Talaada ka shaaciyey telefishanka dawlada geerida Madaxweyne Idriss Déby, kaddib dhaawac ka soo gaarey…

CaalamkaWararka
April 20, 2021

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo shacab dibadbaxayay kula hadlay Daljirka-dahsoon.

Muqdisho:(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta banaanbax ka dhacay…

Wararka
April 25, 2020

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan hor-dhac ah la qaatay Wasiirrada Warfaafinta dowlad gobolleedyada iyo agaasinka guud ee gobolka Banaadir

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, mudane Daa'uud Aways Jaamac oo uu wehliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa kulan…

GudahaWararka
August 20, 2023

Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho(SONNA):-Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho kulan ay isku yimadeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka…

GudahaWararka
January 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023