Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
GudahaMaqaallada

Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada

By Kulane
Last updated: November 22, 2025
4 Min Read
Share

Xuska maalinta macallinka Soomaaliya waxaa sanad kasta lagu qabtaa gudaha Dalka Soomaaliya,waana maalin ku wayn quluubta umadda oo loo dabbaaldego 21-ka Nofembar ee

1974-tii ayaa 21ka Nofember loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacab iyo dowladba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu weyneynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa qiimaha badan.

Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaana ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga,    ( أَ   إِ  أٌ ),  ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY. 

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii bud-dhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhexda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Max’uud Axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi,wuxuu dadaal u galay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xoriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhammaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeeystay,iyagoo ku shaqeeyay xaaladihii adkaa ee la soo maray ,gaar ahaan xilligii dowlad la’aanta. Haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u  taagan yahay Macalinka Soomaaliyeed.Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayda wuxuuna ka waraabiyaa durdurka aqoonta iyo ilayska cilmiga, taasina waxaad ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyaha mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa. Waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo tiirdhexaadka bulshada,iyadoo diinta islaamkuna ay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

Dabbaaldegga sanadkaan waxa uu ku beegan yahay sanadguuradii 51-aad ee ka soo wareegatay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed .

Abuukar Gobdoon

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Qoyska oo golaha Wasiiradda uga mahadcelisay mudo cusboonaysiinta Golaha Wasiiraddu u sameeyeen gudidda Naafada Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahad celisay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka…

GudahaWararka
January 23, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Qaahira

Qaahira, (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Booqasho kormeer ah ku tagay Safaaradda…

GudahaWararka
September 12, 2024

Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43-aad ee UNESCO

Samarkand-Uzbekistan-(SONNA)-Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa…

GudahaWararka
November 5, 2025

Dowladdu gacan Shabaab ayay kula dagaalamee tan kalena Deyn cafin ayay ku wadaa (WARBIXIN)  

Dawladdu waxa ay cagta saartay waddada ay ku xaqiijinayso ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Deyn-cafinta,3-  Qaadista cunaqabataynta Hubka,4- Dagaalka…

GudahaMaqaallada
August 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023