Maansadani, waxa ay soo baxday 19\2\2015-kii, waxa ayna diiradda saaraysaa kaalinta Barahu ku leeyahay bulshada dhexdeeda, macalinku waa buddhiga horseedka, marna waa halbowlaha haba xidida jiritaanka, tallaala geedka horumarka bulsho.
Shaki kuma jiro; inuu macalinku diyaariyo hormudka dadweynaha. Muddo 10 guโ ah ayaan ku dhexjirey xarumaha waxbarashada iyo goobaha ka shaqeeya xirfadda tacliinta.
Maansadan kooban waxa aan kaga hadlay miraha macalinka si guud, gaar ahaan ka soomaaliyeed. Bulsho kasta oo gaarta tanaad iyo tisqaad nololeed ogow โwaa bulsho tixgelisa barahaโ. Dhanka kale, bulsho kasta oo hoos uga dhacda dhabbaha guusha kuna hoos noqota burburkeeda ogow โwaa bulsho bahdisha barahaโ.
Dhaqanside abwaankow
Ababshihii dhallaankow
Indhoweyd dhankeedii
Dhigaalkaygi maansada
Dhaad baan ku xirayo
Ma dhanbalin halkeedii
Mana dhimin shenkeedee
Mana dhumin tixdaydii
Dhoon baan ku shubayo
Dhitadii ku keydshee
Wuxu gogol dhiggiiyahay
Dhallintii dalkaygaay
Dheeha aan ka qaadee
Bare iyo dhanbaalkii.
Cilmigaan dhadhaminiyo
Dheefsiga aqoontiyo
Dheregtiyo barwaaqada
Dhaaxa waa sugeynee
Dharaartan iftiintiyo
Dhoolkaa inoo daโay
Waa bare dhanbaalkii.
Dedaal kaan dhudhumine
Dhumucdiisa gaarnee
Dhan kastaba hanoqotee
Noo dhalatay guushu e
Waxa dhaliyey hadafkaa
Dhabarkooda nagu sidey
Dhallaankooda naga dhigay
Waa bare dhanbaalkii.
Xafladdan dhalaashee
Sida dheemnan iyo luul
Dhaayuhu ku darareen
Lagu dhaafay hadimada
Waxaa soo dhakooloo
Dhidibbada u taagoo
Dhaliishana u diidoo
Dhaqso soo abaabuley
Waa bare dhan baalkii.
Dhalliney hubaashiin
Dhalliney ogaalkiin
Dhalliney aqoontiin
Dhalliney garaadkiin
Dhalliney hal-beeggiin
Dhalliney socdaalkiin
Dhalliney siday tahay
Dhalliney wax lays baro
Dhalliney wax lays faro
Dhalliney wax loo kaco
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.
Dhaqankiyo hiddaha iyo
Dheehashada tacliintiyo
Dhanbaal kaad direysaan
Adanuhu dhammaantii
Dersi ay ka dheegtaan
Dhaqan kana ka yeeshaan
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.
Duqaydiyo dhallaankiyo
Gololada dhaclaha xiran
Inta dhaqanka jecel iyo
Inta dhiigga noo shubay
Dheddigiyo laboodka le
Dhulkeeney u gaartahay
Dhaqan baan u leenahay
Waa dhaxal awoowee
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.
Dhakhaatiirta qarankiyo
Odayada sancada dhiga
Dhurka jiilka noo baray
Dhulka noo ilwaad furay
Noo dhiibey oog kacay
Naga dhiciyey cadowgana
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.
Dhulka baaristiisiyo
Dhakhso loo ogaadiyo
Dheemanta iyo luulkiyo
Dhuumaha shidaalkiyo
Dhagaxaanta dahabkiyo
Biyihiiba laga dhuro
Waxa dhaliyey guushaa
Dhabta aan ka hadalnee
Waa bare dhanbaalkii.
Aaladaha is dhaafiyo
Hawadaa dhex qaadee
Satalaydku dhiibee
Dhegta qayb la saaree
Diyaaradaha dhoofkee
Dhakhsanaaya socodkee
Arladaba dhammaanteed
Soowada dhanbaliyee
Gaadiid dhammaantii
Badda qaar dhexqaade
Buuraha dhulkaa mara
Waxa dhaliyey guushaa
Cilmi dhurashadiisiyo
Waa bare dhan baalkii.
Dad caqliga dhitaystoo
Garashadoodu dheertahay
Dhankii aad ka eegtoba
Dhaqankiyo asluubtana
Dhaawaca ka jirayoo
Dhowraaya diintana
Dhammaantood rag iyo dumar
Waxaa laga dhex helayaa
Dhabta aan ka hadalnee
Waa bare dhan baalkii.
Kuwa geela noo dhaqa
Kuwa gidirka dhiinkiyo
Dhaameelka ugubkiyo
Dhulka noogu soofshee
Dhitadana guryaha dhiga
Geedka dhowrta geeyee
Oo dhakaalka noo sida
Oo dhaarta noo maray
Cadowguna ka dhuuntee
Dhulka aan xaraashayn
Weligoog dhudhuminayn
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.
Kuwa dhuuxa noo shubay
Kuwa dhaanka noo raray
Kuwa dhaxanta naga raray
Kuwa codowga naga dhigay
Kuwa dhimirka noo furay
Kuwa dheefta noo sida
Dhiilahana noo talay
Dhulka siir ku beeree
Dhuguc iyo bisalkana
Dhoomaha ka buuxshee
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.
Dhaadasha Qurโaaankiyo
Dheegasha axkaamtiyo
Towxiid ku dhaqankiyo
Lagu dhigo ardiyo geed
Dhowr godlna loo qoro
Ama labo dharaarood
Dubaaqooda lagu dhigo
Lacanqariyo dhimirkood
Ka dhaadhicnta Nebigana
Dhaladkiisa sooyaal
Dhigaal loogu sama falo
Ku sar goโan dhab iyo xeel
Dhacdo loogu sheegiyo
Dhaxal ay u haystaan
Ninna uusan dhiilliyo
Dhofoorkiisa taagayn
Sidii inu dhukaan yahay
Ama uu dhabcaal iyo
Dhoohane inuu yahay
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.
Dhudhunkii nin garabsada
Dhaqankii ku weynyahay
Marna aan ka dhoofayn
Dhoobaduu ku noolyahay
Dhul shisheeye aadayn
Dhoof-qaran ka doonayn
Saxaraha ku dhimanayn
Dhimrkiisa magansada
Hoggaamiye dhulkii jira
Ka ilaasha dheelliga
Maatadiisa dhicinkara
Duqaydiisa dhacnsada
Marka cadow u soo dhaco
Uga dhiga mus iyo teed
Isagoo dhifdhiif qaba
Dhaqaaleeya duunyada
Dheefsada markuu rabo
Waxa ka dhiiba goortaa
Dhabta aan ka hadalnee
Dhalliney warkaa maqal
Waa bare dhanbaalkii.
Anna soo dhameeyoo
Dhisay oo hagaajoo
Dhidibbada u aasee
Ka ilaashey dheelliga
Idinkuna dhammantiin
Dhegihiina geliyoo
Barashada ku dhaatoo
Ubadkaa dhashaaniin
Jahlinimo ka dhowroo
Dhammaan tiin ka dhiidhiya
Oo waxad dhex maaxdaan
Waa bare dhanbaakii.
– Macallin,Maxamuud cali Aadan Hoorriโcilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed & bare ka tirsan macallimiinta Jaamacadda Ummadda SoomaaliyeedโMuqdisho.