Maamulka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan looga hadlaayey ansixinta warbixin sannadeedka waxqabadka iyo horumarinta qaranka ee sannadkii 2023.
Kulankaasi waxaa ka soo qeyb-galay masโuuliyiin ka kala socday Wasaaradaha iyo Hayโadaha ku midaysan tiirarka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka sida Tiirka Siyaasadda loo dhanyahay, Tiirka Amniga iyo Sarayntata Sharciga, Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha,, iyo Tiirka Arrimaha Bulshada.
Kulankaaso oo lagu soo bandhigay Guulaha la gaaray iyo caqabadihii jiray 2023-kii,waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Mudane Maxamuud Siciid Nuur,isagoo kula dardaarmay ka soo qeybgalayaasha in warbxinta tan xigta ay noqoto mid wanaagsan oo ka waxtar badan tan hadda.
Warbixin sannadkeedka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka ayaa la filayaa in la daahfurio todobaadka soo socda.