Godoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyoย Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo Ku sugan Dalka Rwanda. ayaa kulamo kala duwan la Yeshen madaxda hayโaddaha Garsoorka, dambi baadhista, asluubta, Xeer Ilaalinta iyo iskaashiga Rwanda.
Kulamadaasiayaa diirada lagu saaray xoojinta xidhiidhka bahda caddaaladda Soomaaliya iyo Rwanda iyo gaar ahaan hannaanka ay Rwanda ugu guurtay hannaanka electroniga ee maamulka iyo maaraynta caddaaladda.
“Boqoshadii aanu Kigali ku joognay ayaa si guul leh noogu soo dhammaatay. Waxaan reer Rwanda uga mahadcelinayaa soo dhoweynta ay noo saameeyeen,waxaanan ku bogaadinayaa horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsadeen”,sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka.