Buuilo-Burde.(SONNA)…Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Axmed Bariise Xeydar ayaa sheegay in lagu guuleystay xal u helidda caqabadihii hortaagnaa dhismaha golaha deegaanka ee Degmada Buulo-Burde.
Wasiir ku xigeeka oo la hadlay Warbaahinta Qaraanka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Dowlad \Goboleedka Hirshabeelle Dr.Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminaayey o maalmahaan ku sugnaa Degmada Buulo Burde, ay kulammo gaar gaar ah la yeesheen hogaamiyaasha qeybaha bulshada,isla markaana la isku afgartay sidii loo sii ambaqaadi lahaa dhismaha golaha deegaanka ee degmadaasi.
Axmed Bariise Xeydar,Wasiir ku xigeenka waxa uu hoosta ka xariiqay in la xalliyay tabashooyin ku aadaanaa dhismaha golaha deegaanka,isagoo ka codsaday qeybaha bulshada in ay garab ku siiyaan maamul u sameynta degmadaasi si ay helaan adeegyada lagama maarmaanka u ah horumarkoda.
Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Axmed Bariise Xeydar ayaa sheegay in dhismaha degmada Buulo Burde oo maraya meel wanaagsan ka dib loo gudbi doono maamul u sameynta degmooyinka Baladweyne iyo Jowhar.