Muqdisho (SONNA) – Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday Isbitaalka Madiina halkaas oo la geeyay dhaawacdii ugu badnaa ee ku soo wax yeeloobay qaraxii ay argagixisada ku xasuuqeen dad shacab ah oo marayay isgooska Ex-koontarool Afgooye.
Duqa Muqdisho ayaa booqday qeybta Deg dega ah ee dhaawacyada culus iyo qeybaha kale ee dhaawacyada lagu baxnaaninayo waxa uuna warbixina quseeysa xaaladaha dhaawacyada ka dhageestay dhaqaatiirta iyo maamulka isbitaalka.
Agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in isbitaalka Madiina la geeyey dhimashada 73 qof iyo dhaawac 52 kale, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa aad u liita.
Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir oo kaa shanaaya Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dalka dibadiisa u qaadi doono dadka dhaawacyada culus qaba ee wadan wax looga qaban waayo.
Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka inay u gurmadaan dadka ku waxyeeloobay qaraxii saaka ee dadka rayidka ah lagu xasuuqay, kaasi oo ay ka dambeeyeen arxanlaawayaasha Al-Shabaab.