Muddo toddobaad ah gudohood waxaa markii labaad dalka Kenya,gaar ahaan Mirobi iyo magaalooyin kale ka dhacay bannaanbaxyo looga horjeedo dowladda, kuwaas oo hakad galiyay ganacsigii, isla markaana sababay khalkhal xooggan oo ka jira dalkaasi.
Sarkaal ka tirsan booliiska ayaa sheegay in askarta ay dileen lix qof, in ka badan 10 kalena loo qaaday isbitaallada. Sarkaalkan ayaa sheegay in lixda ruux ee la dilay loo toogtay inay khalkhal galiyeen goobaha ganacsiga.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ku baaqay kacdoon shacab iyo dibadbaxyo toddobaadle ah oo dalka oo dhan ka dhaca ,kaas oo uu tilmaamay in looga soo horjeedo dowladda madaxweyne William Ruto oo dhowaan soo rogay canshuur kordhin sare u qaadday maciishada.
Mucaaradka ayaa ku andacoonaya in kordhinta canshuuraha ay sii kordhin doonto dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka Kenyaanka ah oo markii horeba la daalaa dhacayay sare u kaca qiimaha badeecadaha aasaasiga ah oo ay ka mid tahay cunnada.
Madaxweyne Ruto ayaa xilka loo dhaariyay bishii Sebtembar ee lasoo dhaafay,wuxuuna dhaxlay dhaqaale xumo, sicir-bararka iyo shilinka Kenya oo hoos u dhacay.