Shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga Ciraaq ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 qof oo u badan Shiicada Iiraan,iyadoo malaayiin qof ay isugu soo baxeen magaalada Karbala oo ay ka socdaan kulan diimeed.
Shilkaan oo ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Dujail iyo Samarra ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 13 qof, sida ay maanta ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee INA.
Laba bas oo yaryar ayaa isku dhacay wax yar ka hor saqdii dhexe ee xalay, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay sarkaal ka tirsan caafimaadka Salaheddine oo diiday in magaciisa la shaaciyo.
Sanadkaan 2.6 milyan oo ruux oo badankoodu u dhashay Iran ayaa gaaray Ciraaq tan iyo markii uu bilaabmay kulan diimeedkaasi oo loo yaqaan Arbaeen, sida lagu sheegay tirokoob ay soo saartay Jimcihii wasaaradda arrimaha gudaha.