Masuuliyiin ka tirsan Dowladda FS ayaa ka qeyb galay xus loo sameeyay sanad guurada 14-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Ha’yad samofal oo ka shaqeysa Arrimaha Agoonta iyo Naafada.
Maxamed Cali Ameerika oo ah aasaasihii hey’adda Yaasimin foundation ayaa ugu horeyn ka hadlay xafladdaasi,isagoo ka warbiciyay dadaalkii loo soo galay hey’addaasi samofal iyo howlaha kala duwan ee ay u qabato agoonta iyo dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.
Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Sportiga Maxamed Barre,xildhibaan Prof Cismaan Maxamuud dufle iyo mas’uuliyiin kale,iyagoo qiray ahmiyadda hey’addaasi u leedahay bulshada iyo sida ay uga qeybqaadan karto adeegyada ay u naahan yhiin dadka qaba baahiyaha gaarja ah.
Xafladdaan lagu maamuusaayey xuska 14 aad ee hey’adda Yaasmiin Foundation waxaa kaloo ka qeybgalay qaar kamid ah gudoomiyaasha Degmooyinka,Duqii hore ee Gobolka banaadir iyo martishafar kale.
Heyadda Yaasmiid Foundation waxa ay ka howlgashaa qaar kamid ah degmooyinka dalka,sida kuwa gobolka banaadir,Afgooue,Warshiikh iyo kuwo kale.